TOLOOW COLKA JOOJA Maansadii Salaan Maxamed Maxamuud "Salaan Carrabey"

Author(s): Cismaan Cabdille "Shaacir"

Suugaan

Erayga "Tahriib" waxa uu si joogto ah uga mid noqday eraybixinta afka Soomaaliga iyo waayaha cusub ee Soomaalida, meel ay joogtaba. Macnaha guud ee eraygu waxa uu muujinayaa carar, baxsad, isbeddel raadin, kacaan, barakac qofeed ama maskaxeed, iyo macnayaal kale oo uu eraygu yeelan karo sedhammaan hal ujeeddo isugu soo biyashubaynaya; waa halgan samatabixineed adag oo nolol qofku uu qawaday mid dhaanta ku raadinayo, isaga oo u badheedhaya caqabado uu ka baaqsan karay se la'aantood aanu isbeddeldoonka qofka maankiisa ku daabacani suuragelayn. Buuggan, Tahriibkii Tobanka Sano, waxa uu qoraagu si deeqsinnimo iyo geesinnimo aanu waxba la hadhayn leh ugu soo gudbinayaa dhacdooyin dhab ah oo waayihiisii nololeed kuwii ugu adkaa ka mid ah. "Qof meeli u caddahay meeli ka madow" ayay Soomaalidu ku maahmaahdaaye.qoraagan waxaa u caddayd oo si aan ka laabasho lahayn uga go'nayd in nolol uu qawaday mid dhaanta u doorsado, waxa ay iyo inta ay doontaba ha ku qaadatee. "Haddaad nolosha qawaddaan, haajiroo nabadgala!" ayuu ka dhabeeyay, taa oo ku qaadatay in uu inta dalkiisa iyo intii uu yiqiin oo dhan ka hayaamo tobaneeyo sannadood iyo dheeraad dunida hadba daan ka dhaco oo hadba irrid rejo garaaco, bad iyo berri, cir iyo dhul, ilaa uu ugu dambayn ka cid iyo nabad galay halkii yoolka xasilka noloshiisu higsanayay."Kaadisiisuu soo cabbay" haddii la maqli jiray, marka la tilmaamayo qof halgan adag oo nolol iyo geeri u dhexeeya soo maray, qoraagani kaadidiisuu inta cabbay waliba ku fooldhaqday oo ku weysaystay! Waa dhab oo wax ku khasbay oo dhab ah baa jiray oo buuggan ku jira!

8.75 USD

RRP 10.00 USD (12% off)

Stock: -1


Add to Wishlist


Product Information

General Fields

  • : 9781637604663
  • : Primedia eLaunch LLC
  • : Hachette Digital
  • : 17 August 2022
  • : books

Special Fields

  • : Cismaan Cabdille "Shaacir"
  • : Paperback